Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Hoobiyayaal Lagu Weeraray Xalane

0

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Hoobiyayaal xalay Lagu Weeraray saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM uga suganyihiin Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay warbaahinta Shabaab ayaa lagu sheegay in ilaa 5-hoobiyaye lagu weeraray xarunta,islamarkaan khasaare ay dhaliyeen.

“Al-shabaab ayaa illaa 5 mafac lahelay xerada Xalane oo ay deganyihiin Ciidamadda AMISOM iyo beesha Caalamka, waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo cadowga gaaray” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer hoobiyayaal ku weeraray saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM uga suganyihiin Soomaaliya,balse lama ogaanin khasaaraha ay dhaliyeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here