Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in berri laga billaabo la xirayo waaxda faraha ee xarunta CID, si looga feejignaado faafitaanka Coronavirus.
Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakia Hussien ayaa tiri “Iyadoo la raacaya awaamiirta guud DFS oo ku aadan taxadirka faafinta cudurka coronavirus, waxaa shacabka Somaliyeed ku wargelineynaa in laga bilaabo BERI taariikhduna ku beegantahay 19/03/2020 aan xirnay Waaxda Faraha ee CID oo bixisa warqada dembi la’aanta muddo 15 cisho ah”.
Tallaabadaan ay qaadeen Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ah tallaabo looga hortagayo faafitaanka Cudurka CoronaVirus oo wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federalka Soomaiya ay sheegtay in Kiis ku saabsan Viruska laga helay muwaadin Soomaaliyeed.

