Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliyo oo Dowladda Ka Dalbaday in khaadka La joojiyo

0

xildhibaanada Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa Dowladda dhexe ee Soomaaliya ugu Baaqay in la joojiyo Khaadka ka imaada Dalka Kenya.

Gudoomiyaha Guddiga arimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Cusmaan Xirsi ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed uu kasoo gaarayo cabashooyin ku aadan Cudurka Carona,isla markaana Xukuumadda Soomaaliya ay si KMG ah u joojiso qaadka ka yimaada wadamada adreiska

Waxaa ay sheegeen xildhibaanadu in ay jirto Qatar weyn oo ka imaan karta khaadka, loona baahan yahay in si ku meel gaar ah loo joojiyo.

Dalka Kenya ayaa ka mid ah waddamada uu saameeyay cudurka CaronaVirus oo si xowli ugu faafayawaddamada caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga war sugayaa sida ay uga falcelin doonto  baaqa kazoo yeeraya xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here