Dowladda Dhexe oo Digniin adag u dirtay Maraakiib La Sheegay in Badda Soomaaliya Ka Kalluumeystaan

0

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan  maraakiib ay sheegeen in ay si sharci darro ah uga kalluumeystaan Badda Soomaaliya.

Wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka badda, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame waxaa uu sheegay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan maraakiib laga leeyahay waddamada Iraan iyo Pakistan.

“Waxaan uga digeynaa maraakiibtaasi inay si degdeg ah Waddanka uga baxaan wixii awooda ee aan saari karno iyo soo qab-qabashadoodana waan ka shaqeyneynaa. Waxaan u baahannay in cid kasta oo naga caawin karta inay naga caawiso sidii loo qaban lahaa maraakiibtaas” sidaas waxaa yiri Wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka badda, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here