Gudoomiyaha Cusub ee Magaaladda Dhusa-mareeb ee Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in wadahadal iyo wada-xajood uu la fuarayo Culimadda Ahlusuna-Waljameeca.
Cabdiraxmaan Cali Maxamed Oo shalay loo magacaabay Gudoomiyaha Degmadda Dhuusa-mareeb oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in uu wada-hadal la furayo Culimadda Ahlusuna oo dhawaan isaga baxday Magaaladda Dhuusa-mareeb, kadib markii looga adkaaday awoodii ay ku la haayeen siyaaasadda Galmudug.
Waxa uu sheegay in Wadaada Ahlusuna ay waqti ay galiyeen Nabadda iyo horumarka Galmudug gaar ahaan Magaaladda Dhuusa-mareeb,sidaas darteed ay raadin doonaa sii loo qancin lahaa Hogaanka Ahlusuna.
Hogaanka Ahlusuna waljameeca ayaa dhawaan sheegay in ay isaga baxeyn siyaasadda Maamulka Galmudug,waxaana soo baxaya warar ku aadan in ay gaaraan Magaaladdda Abu Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

