Kooxo hubeysanaa ayaa goordhaweyd dil ka geystay Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Bakaaraha Dhanka Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir,waxaana halkaas lagu khaarijiyay askari ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ay dileen askariga islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,waxaana socda howlgal lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka.
Dhanka kale waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka ka shaqeeya isgoyska bakaraha ee Magalada Muqdisho.
Al-shabaab ayaa inta badan sheegtay Mas’uuliyadda dilalka ka dhaca Magaaladda Muqdisho.

