Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadooda Mareykanka ayaa ka fuliyay aagga deegaanka Janaale ee gobolka shabellada Hoose duqeyn diyaaradeed oo bartilmaameedkeedu ahaa Al-shabaab waxaana duqeyntaas lagu khaarijiyay afar(4)ka tirsan Al-shabaab.
Qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika, ayaa lagu sheegay in duqeyntaas aysan waxyeelo u geysanin dadka shacabka ah.


