Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xalay ka dhacay Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.
Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay xaafado kala duwan ayaa ka dhacay Afafka hore ee Dekadda Boosaaso, oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ilaalada Dekadda Magaaladda Boosaaso.
Laamaha amaanka Maamulka Puntland ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay hal qof oo ka jeeda dalka Itoobiya, sidoo kale uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ilaalada Dekada Boosaaso.
Sidoo kale qaraxa ayaa geystay khasaare hantiyadeed isagoo burburiyey guryo iyo gaadiid ka dhawaa agagaarka uu ka dhacay.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.

