Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa magacaabay guddiga caleemo saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka.
Guddiga oo ka kooban laba iyo toban xubnood ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, waxaana Gudoomiye Kuxigeen looga dhigay Xasan Macalin Saciid Samatar (Xasan Gacaliye).



