James Swan oo Sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay Wajahayaan Caqabado

0

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay uqaabilsan arrimaha somalia ambassador James ayaa kahadlay muhiimadda ay leedahay maalinta caalamiga ah ee haweenka aduunka ee 8 march isagoona hambalyo iyo bogaadin udiray haweenka caalamka gaar ahaan haweenka soomaaliyeed waxa uuna bogaadiyay dowrka haweenka somaliyeed ay kuleeyihiin dib udhiska hanaanka dowladnimada somalia.

Ergeyga gaarka ah ee xogahaya guud ee qaramada midoobay uqaabilsan dalka somalia Mr james swan ayaa hoosta kaxarriiqay in dumarka somaliyeed ay wajahaan caqabao kaladuwan oo soo wajahaya waqtyada adag oo ay kugudajiraan kaqeyb qaadashada dhisamaha dowladnimada somalia waxa uuna inaasi kudaray in haweenka somaliyeed ay ladaaladhacayan colaado,amni darro iyo musiibooyin dabiici ah hasa ahaatee waxa uu sheegay in aan laxaqirikarin waxqabadka haweenka somaliyeed ay kuleeyihiin dib uyagleelidda tubta nabadda iyo xasiloonida oo somalia ay haatan kusocoto sida uu sheegay ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay uqaabilsan arrimaha somalia.

Mr james swan ayaa ugu baaqay hogaanka siyaasadda iyo dhammaan saamileeyda siyaasadeed ee dalka somalia in ay kudadaalaan sidii ay uheli lahaayeen haweenka soomaaliyeed qoonadda baarlamaanka inta aan lagaarin doorashada soo socota waxa uuna hoosta kaxarriiqay in qaramada midoobay ay kashaqeyn doonto sidii haweenka soomaaliyeed ay uheli lahaayeen qondada kuraasta baarlamaanka boqolkiiba 30 si loo ilaaliyo sinnaanta iyo cadaaladda ay xaqqa uleeyihiin somaliyeed sida uu sheegay Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay uqaabilsan arrimaha somalia Ambassador James Swan oo warsaxaafadeed uu soo saaray uu hambalyo ugu diray haweenka caalamka gaar ahaan haweenka soomaaliyeed munaasabadda maalinta caalamiga ah ee haweenka aduunka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here