Ciidanka Ammaanka Baladweyne oo Qarax Fashiliyay + cod

0

Ciidanka ammaan magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay shegeen in fashileyeen miino lagu aasay dhulka, waxaa ay sheegeen miinada lagu aasay agagaarka Dahabshiil ee xaafadda Kooshin ee magaalada Baladweyne.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iy siyaasadda Baldweyne Maxamuud Cali maxamuud oo idaacadda Simba la hadlay ayaa sheegay in fashiliyeen miinadaas waxaana uu sheegay in qayb weyn ka qaateen dadka degaanka oo uu sheegay in ka caawiyeen in la ogaado qaraxaas lagu aasay dhulka.

Waxaa uu ugu baaqay dadka reer Baladweyne in ay ka qayb qaataan nabad galyada guud ee magaalada, ayna isku xilqaamaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen amniga gud ee magaalada.

Waxaa uu sheegay guddoomiyuhu in ciidanka ammaanku ay mar waliba u taagan yihiin  sidii ay ammaanka u sugi lahaayeen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here