Wararka ka imaanaya magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Gudaha Mgaaladaas lagu daadiyay ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Galmudug garabka Gaalkacyo Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Saadaq Siciid Nuur oo ah wariye ku sugan Magaaladda Gaalkacyo ayaa idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho u sheegay in ciidamadda ay baaritaano kawadaan xaafadaha magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadaan uu hogaaminaayo Taliyihii dhawaan uu magacaabay madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Sababta ka dambeysa in ciidamadaan ay howlgal ka sameeyaan magaaladda gaalkacyo ayaa lagu sheegay kadib markii ay soo baxeyn warar ku aadan in mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda iyo Galmudug ay gaareen Magaaladda Gaalkacyo.

