Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab

0

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab-ka ku sugan Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa shalay kormeer ugu tagay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Deegaanka Ceel-saliini ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidamadda ku sugan Ceel-saliini in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab,intii iyaga lasoo weerarari lahaa.

Waxa uu ciidamadda ka dalbaday in ay isku dhiirageliyaan howlgalada ay sameynayaan, maadaama uu tilmaamay in ay heystaan agab iyo hub ku filan oo ay ku howlgali karaan sida uu hadalka u dhigay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here