Wararka aynu ka helayno magaalada Laascaanod ee Gobalka Sool ayaa ku warramaya in halkaasi uu qarax dhacay.
Waxaa la sheegay in guddoomiyihii maxkamada Gobalka Sool qarax lala eegtay goordhow, waxaana ku geeriyooday guddoomiyihii maxkamadda.
Xasan Sheekh ayaa gaarigiisa waxaa loogu xiray qarax waxaana halkaas ku geeriyooday Guddoomiyihii maxkamaa Gobalka Sool ee Somaliland.
Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay,iyada oo dadka ku nool Magaalada laas-Caanood ay aad uga naxeen falkaan oo ah mid ku cusub Magaaladaas.

