Waxaa saakay dagan xaaladda Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo oo shalay ay ku dagaalameen ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Dowldd Goboleedka jubbaland ee ku sugnaa meel ku dhow Balad-xaawo.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Daraawiishta Dowladd Goboleedka Jubbaland waxaana halkaas ka dhacay dagaal saacado qaatay.
Dowladd Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ciidamadii Dowladda geysay Gobolka Gedo ay weerar kusoo qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamadda Daraawiishta Dowladd Goboleedka Jubbaland,balse la iska difaacay.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

