Dowladda Kenya oo Beenisay In Faragalin ku Hayso Soomaaliya

0

Dowladda Kenya ayaa gaashaanka udaruurtay in ay faragalin kuheyso arrimaha gudaha somalia waxa ayna dowladda Kenya iska diiday eedeynti dhawaan ay ujeedisay dowladda federaalka somala.

Wargeysga Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya oo soo xiganaya saraakiil katirsan wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Kenya ayaa qoray in dowladda Kenya ay kutilmaantay eedeynta dowladda somalia in ay tahay been abuur siyaasadeed oo dowladda somalia ay ujeedisay dowladda Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Kenya ayaa soo saartay qoraal ay kaga jawaabeyso hadal dhawaan kasoo baxay dowladda federaalka somalia kaasi oo laxariiray in dowladda Kenya ay faragalin qaawan kuheyso arrimaha gudaha somalia.]

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Kenya ayaa waxaa lagu yiri “dowladda Kenya waxa ay gaashaanka udaruureysaa eedeynta aan saxda aheyn taasi oo ay kamuuqato been abuur siyaasadeed taasi oo maalinimaddii jimcada aheyd uu ugudbiyay qaramada midoobay ergeyga qaramada midoobay uqaabilsan somalia Abukar Dahir Osman kaasi oo kenya ku eedeeyay in ay xasilooniddarro ka abuureyso dalka somalia”.

Dhawaan ayay aheyd markii qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumada federaalka somalia lagu sheegay in dowladda Kenya ay faragalin qaawan kuheyso arrimaha gudaha somalia islamarkaana ay kuxadgudbeyso qaranimada iyo madaxbanaanida dalka somalia waxaana dowladda Kenya loogu baaqay in ay ilaaliso madaxbaaniada iyo jiritaanka qaranimada somalia.

Sidoo kale dhawaan ergeyga somalia uqaabilsan qaramada midoobay Abukar Dahir Osman  ayaa ugudbiyay golaha amaanka ee qaramada midoobay cabasho ka dhan ah dowladda Kenya faragalinta ay kuheyso arrimaha gudaha somalia waxa uuna golaha kahorsheegay in dowladda federaalka somalia ay qaadi doonto tallaabo walba oo laga maarmaan ah taasi oo ay kudifaaceyso madaxbanaanida iyo jiritaanka qaranimada dalka somalia.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here