Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Nin Nabadoon ahaa waxa ay ku dhawaceen Magaaladda Boosaso ee Gobolka bari.
Nabadoonka la dhaawacay oo lagu magacaabo Nabaddoon Cabdullaahi Cali Sugulle ayaa lagu weeraray albaabka hore ee gurigiisa oo ku yaalla xaafadda masjid Faadumo ee magaalada Boosaaso.
Weerarka ayaa dhacay wax yar kadib markii laga soo baxay salaadda Cisha, xilligaasi oo Nabaddoonku sii galayay gurigiisa, balse inta uusan albaabka gaarin rasaas lagu furay, sida ay xaqiijiyeen Laamaha Amniga Boosaaso.
Nabadoonka aya haatan lagu daweynayaa isbitaal ku yaala Magaaladda Boosaaso,waxaana la baadi-goobayaa ragii ka dambeeyay falka dhaawaca ah.
Dagaalyahanadda Kooxda Daacish ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda weeraradda ka dhaca Magaaladda Boosaaso.

