Waxaa burbur xoogan uu soo gaaray xarunta Inji ee Magaaladda Dhuusa-mareeb oo aheyd fadhiga hogaanka Ahlusuna Waljameeca.
Madaxdii Ahlu Sunna ee ku sugnaa goobta ayaa waxa ay isku dhiibeen Ciidan uu hoggaaminaayay Jeneraal Mascuud, oo kamid ah saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaliya ee Galmudug ku sugan.
Xaaladda magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda Galmudug ayaa saakay dagan waxaa amniga sugaya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowladd goboleedka Galmudug.
Magaaladda Dhuusa-mareeb waxaa ka dhacay shalay dagaal u dhaxeeyay ciidamadda Dowladda iyo Ahlusuna ay ku dhinteen tiro dhalinyaro ah oo kamid ahaa saraakiisha ciidamadda Dowladda Soomaaliya.







