Dadka Garsoorka Maxmadaha Al-shabaab u Doonta oo Digniin Culus Loo Diray

0

Maamulka Gobolka Hiraan ayaa digniin adag u diray dadka shacabka ah ee Garsoorka u doonta maxkamadaha Alshabaab, waxaana uu maamulku ku hanjabay in ay tallaabo sharciga waagaqsan ay ka qaadi donaan ciddii amarkooda jabisa ee Garsoor u doonta Maxkamadaha Alshabaab.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin arrimaha nuucaan ah, sidoo kale Guddoomiyaha degmada Beledweyne ee gobolka Gobolka Hiiraan Cimaan Dhicisow Dhuuboow ayaa horay u sheegay in ay maxkamadaha Gobolka Hiiraan ay si wanaagsan u shaqeeyaan, ayna diyaar u yihiinu adeegidda dadka shacabka ah eek u dhaqan magaalada Baledweyne iyo degmooyinka kale eek u xeeran.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo inta badan dadka ku dhaqan degaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiraan ay dacwadahooda la aadaan maxkamadaha Al-shabaab, waxaana taas lo sababeeyaa in aysan dadka shacabka ahi aysan kalsooni ku qabin maxkamada Gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here