Waxaa goordhaweyd la xaqiijiyay in uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaakar.
Telefishinka Dowladda Masar ayaa goordhaweyd xaqiijiyay geeridda Madaxweynihii Hore ee dalkaas,kaasi oo mudooyinkii dambe xanuun la jiifay.
Mubarak ayaa dalka Masar Madaxweyne ka ahaa sanado badan,wuxuuna ahaa Madaxweynihii afaraad ee dalkaas soo mara,balse wuxuu ku baxay Kacdoon dadweyne sanadii 2011-kii.
Sidoo kale wuxuu sanado ku xirnaa xabsi ku yaala masar,balse waxaa lasii daayay sanadkii 2017-kii.

