Dagaal Xooggan oo Ka Socda Gobalka Sanaag

0

Wararka aynu ka helayno Magaalada Laas-qoray ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa ku warramaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Dagaalka oo la sheegay in ay kala hoggaaminayaan  guddoomiyaha gobolka Sanaag ee dowlad goboleedka Puntland Cali Xuseen iyo guddoomiyaha degmada Badhan ee maamulka Somaliland Maxamuud Xaamud.

Dhinac yada dagaalamay ayaa isku adeegsaday hubka nuuc-yadiisa kale duwan, waxaana dadka degaanku ay sheegeen in daryanka rasaasta laga maqlayaay.

Waxaana la sheegay in uu qasare ka dhashay dagaalkaas, inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Waxaa jira khilaaf xagga dhulka ah oo u dhexeeya labada maamul, waxaana tira dhowr jeer ah horay u dhacay dagaalo nuucaan ah oo u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here