Wararka ka imaanaya Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo ee Dowladd Goboleedka Jubbaland ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay dileen 3-gudoomiye Xaafadeed.
Falkaan lagu khaarijiyay 3-da Gudoomiye ayaa dhacay xalay xili dambe sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka,waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilka.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in mid kamid ah guddoomiye xafadeedyada la dilay in la gowracay,halka labada kale la toogtay.
Magacyada mas’uuliyiinta la dilay ayaa lagu kala sheegay, Cabdi Santuur oo ahaa guddoomiyaha laanta Buulo-Kuulow, Jibriil Maxamed oo isna ahaa guddoomiyihii hore ee laantaasi iyo Carab Jiis oo ahaa guddoomiyaha laanta Dabaqoray ee degmada Baardheere
Goobta uu falka ka dhacay waxaa saakay gaaray ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,waxaana socda howlgal lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay falkaan.

