Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kala hadlay ciidanka ku sugan dhoobley sidii ay howl gallo qorsheysan uga fulin lahaayeen degaanno iyo degmooyin ka tirsan Jubada Hoose.
Axmed madoobe oo ku sugan Dhoobley ayaa saraakiisha ciidanka ee dhoobley ugu baaqay in ay si de deg ah shabaab uga sifeeyaan degaanadaas, waxaana kulamo la qaatay saraakiisha hoggaanka u haya dagaalka lagula jiro shabaab.
Waxaa axmed madoobe uu u ballan qaaday ciidanka in ay la garab taagan yihiin wax waliba oo ay u baahan yihiin, isagoo ugu baaqay ciidanka in ay qaadaan dagaal ka dhan ah Shabaab.
Ciidanka uu la kulmay Axmed madoobe ayaa dhawaan waxaa lagu diyariyay magaalada dhoobley, waxaana la sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan dagaalka ay ciidanka Jubbaland kula jiraan Shabaab.

