Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil, iyo hawl-wadeenno ka tirsan GMDQ kana dhageystay warbixin ku saabsan hanaanka ay u dhici doonto doorashada qaran 2021.
Guddiga ayaa madaxweynaha iyo hey’adaha amniga la wadaagay warbixin ku saabsan arrimaha doorashooyinka 2021.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay waxqabadka Gudiga, isla markaana ballanqaaday iney ka caawin doonan hawlahooda.

