Wararka aynu ka helayn degmada Afgooye ee Gobolka Sh\hoose ayaa ku warramaya in maanta degmadaas lagu dilay Askarai ka tirsan ciidanka dowladda.
Waxaa la sheegay in koox hubeysan ay Askariga ku toogteen gudaha degmada Afgoye ee Gobolka Sh\Hoose, waxaana la sheegay in uu ahaa dilkani mid qorsheysan oo ay fuliyeen koox ku beysan bistoolado, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii Bastooladleyda ahayd ee dilka geystay.
Goobta dilku ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidanka ammaanka degmada waxaana ay goobta ka qaadeeen maydka marxuumka la dilay.
Ciidanka amaanka yaa sameeyay howlgallo ay ku baadi goobyaan dableydii dilka geystay balse Ma jirto cid ay u soo qabteen ciidanka ammaaanku dilkaas.
Dhanka kale Shabaab ayaa sheegtay dilkaas loo gaystay askarigaas ka tirsanaa ciidanka dowladda, war kasoo baxay shabaab ayay ku sheegteen in ay dilkaas ka danbeeyeen, waxaana ay sheegeen in ay qaybaha sare ay ka toogteen Askarigaas oo ay shegeen in uu ka tirsanaa ciidanka sida gaarka ah u tababarene Danab.
Maamulka gobolka iyo kan degmadu kama hadal dilkaan maanta ka dhacay Afgooye.
Dhawaana haan waxaa degmada kusoo badanaaya dilalka Qorshaysan, Waxaa dhawaan lagu dilay dagmadaaas AUN Wariye Cabdi Wali Cali Online oo ka mid ahaa wariyaasha inta badn kasoo warrami jiray degmada AFGOOYE Gobolka Shabellaha Hoose.

