Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Lafoole iyo Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Al Shabaab wadada ugaleen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka kuwaas oo gurmad u ahaa deegaanka Ceelsaliini ka dhacay dagaal khasaara badan dhaliyay.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in dagaalka lagu dilay ku dhawaad 72askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,sidoo kalana lagu gubay gaadiid dagaal.
“Isku geyn khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weeraradii ciidamada dowladda lagula beegsaday Shabeellaha Hoose waa 72 askari dhimasho ah 41 askari waxaa lagu dilay Ceel Saliini halka 31 askari lagu dilay weerar jidgal ah oo ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye”,ayaa lagu yiri warka.
Dhanka kale Dhanka Dowladda Soomaaliya war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in xubno Al-shabaab ahaa dagaalka lagu dilay.

