Maamulka Puntland ayaa hakiyay dhammaan Howlihii ay qaban jireen Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ku sugan degaannada Puntland.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland dowladda Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, ayaa lagu hakiyay shaqada dhammaan Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ku sugan degaannada Puntland, inta laga hubinayo habsami-u-socodka Shaqadooda.


