Somaliland oo Si Cad Isaga Diiday In farmaajo uu Hargeysa Tago

0

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si cad uga horyimid wararka sheegayay in Madaxweyne Farmaajo uub gaarayo Somaliland.

Muuse Biixi oo ka hadlayay Khubaddiisa dastuuriga Somaliland ee Sanad laha ah ayaa sheegay in aysan aqbali doonin madaxweyne Farmaajo uu soo gaaro Hargeysa, sidoo kale waxaa uu sheegay in Dowladda dhexe Farmaajo uu hoggaamiyo ay tahay dowlad caqabad ku noqatay  mushruucyo iyo heshiisyo ay la gashay Somaliland waddamo caalamka ah, waxaana intaas uu ku daray in aysan haba yaraatee aysan aqbalaynin Farmaajo oo Somaliland yimaada.

Warar dhawaan la isla dhexmarayay ayaa sheeegayay in Farmaajo uu dhawaan tagi doono hargeysa, iyadoo socdaalkiisa u ku wehelin doono Abiy Ahmed ra’iisul wasaaraha Ethopia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here