Waxaa maanta magaalada muqdisho ka furmay shir sanadeedka garsoorka dalka, iyadoo shirkaan ay ka qayb galayaan laamaha garsoorka dalka oo isugu jira heer federal iyo heer dowlad Gobaleed, sidoo kale waxaa ka qayb galaya wasiirada caddaaladda maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe.
Baashi Axmed Yuusuf guddomiyaha maxkamadda sare dalka ayaa shirka daah furay, waxaana uu bogaadiyay dadkii kasoo qayb galay shirka iyo waliba soo qaban qaabiyaasha shirka, Shirkaan ayaa sanadkii labaad oo xariir ah waxaa uu ka furmayaa magaalada mudisho, waxaana shirkani uu socondoonaa muddo laba cisho ah, si gaar ah waxaa lagu faaqidi doonaa waxyaabihii sanadkii horel lagu ballan qaaday shirkii sanadkii hore, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa garsoorka dalka iyo tayaynta guud ahaanba garsoorka dalka.
Sidoo kale waxaa looga hadli doonaa caqabadaha haysta garsoorka dalka iyo waxyaabaha ku hor gudban shaqada garsoorka.
Waxaa ka qayb ka noqon doona shirka qaar ka mid ah madaxda dowladda dhexe ugu sorreeysa, iyagoo hadal ka jeedin doona shirka.
Garsoorka iyo hay’adaha caddaaladda dalka ayaa inta badan waxaa lagu eedeyaa in sidii loo baahnaa uusan u shaqayn, waxaana jirta cabashooyin ay dadka shacabka ahi ka sheegtaan qaabka uu u shaqeeyo garoorka dalka, waxaana shirkan maanta furmay laga rajaynaa in waxyaabo badan lagu saxo, si garsoorka dalku uu tayo u yeesho.

