Paantikoonka mareykanka ayaa shaaca kaqaaday in ciidamada dowladda federaalka somalia aysan weli diyaar u aheyn in ay awoodooda ay ku istaagaan islamarkaana ay ka adkaadaan Alshabaab oo weli kuxooggan qeybo kamid ah koonfurta somalia sida ay sheegeyso warbixin cusub oo dhawaan ay soo saareen paantikoonka mareykanka.
Warbixinta cusub ee ay soo saareen paantikoonka mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo ay taageerayaan taliska mareykanka ee qaaradda Africa ay gaareen kuulo lataaban karo hasa ahaatee waxa ay sheegeeen paantikoonka mareykanka in aan weli la gaarin ahdaaftii laga lahaa howlgallada kadhanka ah Alshabaab.
Sidoo kale wasaaradda difaaca mareykanka ayaa su,aal galisay suurtagalnimada lagu gaari karo ahdaafta laga leeyahay howlgalka mareykanka ee qaaradda Africa gaar ahaan dalka Somali intaan aan lagaarin sanadda 2021 sida lagu sheegay warbixintan kasoo baxday wasaaradda difaaca mareykanka.
Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ee magacooda loo soo gaabiyo Aricom ayaa taageera siiya ciidamada dowladda federaalka somalia kuwaasi oo dagaal kulajira dagaalyahannada Alshabaab oo weli gacanta kuhaya deeganno badan oo katirsan koonfurta iyo bartamaha somalia

