Donald Yamamoto oo Kismaayo Ku Wajahan

0

Amb. Donald Yamamoto safiirka Marayanka u fadhiya soomaaliya ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose, Yamamoto ayaa la kulmi doona madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) waxaana uu kala hadli doonaa arrimo badan oo ay ugu horreeyaan xiisadda ka dhextaagan Dowladda dhexe iyo  maamulka Jubaland.

Sidoo  kale waxaa ay ka wada hadla doonaan dagaalka Al-shabaab looga soo horjeedo, waxaana kismaayo ka socda qaban qaabo lgu soo dhaweynayo safiirka, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay.

Socdaalka Yamamota ayaa imaanaya iyadoo Gobalka Gedo ay ka taagan tahay xiisad  u dhexeysa dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland, waxaana dowladdu ay dhawaan gobalkaas ay geeysay ciidan farabadan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here