Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd dil ka geystay magaaladda Muqdisho.
Falka dilka ah ayaa ka dhacay, Xaafadda Siigaale Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay wiil magaciisa ku sheegay Liibaan,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wiilka la dilay uu ka tirsanaa Shaqaalaha Maamulka Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

