Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo Galabnimadii maanta ka dhacay duleedka Magaaladda Muqdisho.
Qaraxa oo loo dhigay Gaari kuwa Dagaalka ay la socdeen ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaaiya ayaa ka dhacay nawaaxiga deegaanka Siinkadheer ee duleedka Magaalada.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxa uu haleelay gaariga,islamarkaana khasaare uu jiro.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay laba askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaiya, Tiro kalana way ku dhaawacmeen.
Inkastoo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay tahay mid xiran oo aysan marin gaadiidka shacabka, ayaa hadana gaadiidka Militariga halkaasi marka ay marayaan waxa ay la kulmaan qaraxyo.
Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Duleedka Magaaladda Muqdisho,waxayna sheegeen in ay ku dileen 6-askari.

