Maamulka Puntland ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay u fashilantay waxyaabihii ay balanqaaday 3-sano ka hor.
War-murtiyeed ka kooban laba bog oo shirkaasi ka soo baxay, ayaa lagu sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ay ku fashilantay dhammaan hawlihii loo doortay sida sugidda Amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka, dib u-heshiisiinta iyo xoojinta hirgelinta hannaanka Federaalka.
Sidoo kale, Puntland waxay madaxda sare ee dowladda Federaalka ku eedaysay, in ay diideen in laga heshiiyo Sharciyada qeybta ka ah hirgelinta hannaanka Federaalka dalka sida dhammaystirka Dastuurka, qeybsiga awoodaha&kheyraadka, arrimaha doorashooyinka, hannaanka Cadaaladda iyo hab qeybsiga deeqaha.



