Madaxweynaha dowladd gobaleedka galmudug garabka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu sheegay in uu jawaab uyahay warsaxaafadeed dhawaan kasoo baxay dowladda mareykanka gaar ahaan safaaradeeda somalia 5tii bishii February ee sanadkan 2020.
Warsaxaafadeedkan oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka galmudug garabka magaalada Gaalkacyo ayaa gaashaanka loogu daruuray qoraalka dhawaan kasoo baxay dowladda mareykanka waxaana madaxweyne xaaf uu ku eedeeyay dowladda mareykanka in ay si sharci darro ah kuxalaaleysay doorasho ku dhacday hanaan baalmarsan sharciga doorashooyinka waxa uuna intaasi kudaray in dowladda mareykanka ay faragalin dheeraad ah kuheyso arrimaha dowlda gobaleedka galmudug.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in marnaba aan la aqbali Karin xalaaleynta doorashadii baalmarsaneed sharciga ee dhawaan kadhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Dhawaan ayay aheyd markii qoraal kasoo baxay safaaradda mareykanka ee somalia loogu baaqay dowladda federaalka somalia iyo dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe in ay isuguyimaadaan miiska wadahadallada islamarkaana wax walba lagu dhameeyo Isfahan iyo wadahadal xal waara unoqday khilaafka hareeyay dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah.

