Shirlooga Hadlaya Halista Cudurka Coronavirus oo Muqdisho Ka Furmay.

0

Waxaa maanta magaalada muqdisgo ka furmay shir looga hadlayo halista cudurka Corona Virus, shirka waxaa soo agaasimay wasaaradda caafimaadka dowladda federalka Somalia.

Shirka waxaa ka qayb galaya wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), waxaana shirka soo qaban-qaabiyay wasaarada caafimaadka iyadoo wasiirad Fowsiya Abiikar Nuur ay joogta shirka.

Wasaaradda Caafimaadka oo kaashaneysa Wasaaradda Gadiidka & Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay Garoonka Aadan-Cadde ee Muqdisho waxaa ay ka bilaawdey baaris lagu sameynayo dadka kasoo degaya Garoonka, iyadoo wasaaraddu ay sheegtay in ay kaga goleedahay sidii ay uga hortagi lahayd in ay dalka soogalaan dad qaba Virus-ka halisa ah ee Coronavirus.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here