Bannaanbaxyo xooggan ayaa ka bilawday magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, bannaan baxa ayaa wxaa dhigaya dadka degaanka, waxaana ay kaga soo horjeedaan dagaal beeleedyo ka socda duleedka magaalada kismaayo.
Shacabka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay wataan hal ku dhigyo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin dagaal beeleedka kasocda duleedka kismaayo.
Dhawaan ayay degaanno duleedka kismaayo ah waxaa ka dhacayay dagaal beeleedyo u dhexeeya laba malleyshiyo beeleedyo iska soo horjeeda, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhawaac leh, dadka banaanbaxaya waxaa ay waxgaradka iyo odayaasha deganadaas ka codsadeen in ay u istaagaan sidii loo xalin lahaa dagaaladaas dhexeeya beeleha walaalaha ah.

