Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ka dhacday galbeedka magaaladda Kismaayo in lagu dilay xubin Shabaab ka tirsanaa.
Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Beer Xaani oo ku yaalla galbeedka Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose.
Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqayntaas oo dhacday maalinnimadii talaadada ahayd ee ay taariikhdu ku beegnayd 4ta Febraayo 2020 oo shalay ku beegneyd lagana fuliyay deegaanka Beer Xaani oo ku yaalla galbeedka Kismaayo.
Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay xubin ka tirsan Al Shabaab hayeeshee aysan wa khasaaro ah ka soo gaarin dad rayid ah.


