Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Saldhig weyn oo ciidamadda dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaan katirsan Gobolka Shabeelaha dhexe.
Dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo si weyn u hubeysnaa ayaa weerar gaadmo ahaa ku qaaday saldhig ciidamadda Dowladda ku leeyihiin deegaanka Qalimoow ee Duleedka Degmadda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamadda Al Shabaab ayay usuurtagashay in ay dagaalka ku dileen 13 askari oo ay kamid ahaayeesheen saraakiil ciidan.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka saaka ka dhacay saldhigga ciidamadda dowladda ee Qalimoow lagu dilay 13 askari waxaana dadka dhintay kamid ahaa saraakiil ciidan.
“Al-shabab ayaa saaka soo afjaray saldhig ay Ciidamadda Dowladda uga sugnaayeen deegaanka Qalimoow ee Shabeelaha dhexe, dhimashada waa 13 askari oo ay ku jiraan laba sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Indhabuur oo ahaaa sedax xidigle Urur iyo sarkaal kale oo la oran jiray Jilibeey” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

