Al-Shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho

0

Al-shabaab ayaa sheegtay Ma’uuliyadda Qaraxyo maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Isgoyska Ex-kontorool Balcad ee Magaaladda Muqdisho,waxaana lala eegtay Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM.

Sida ay sheegeen, Shabaab qaraxa ayaa khasaare lagu gaarsiiyay Ciidamadda AMISOM.

Dhanka kale Alshabaab ayaa sheegtay Qarax Muqdisho lagula eegtay,mid kamida gaadiid gelbinayay guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga degmada Kaxda.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka, Al Shabaab waxay sheegtay in ay qaraxa ku beegsatay Cabdi Naasir Xasan Cali oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda degmada Kaxda.

Dhaawac culus ayaa gaaray mas’uulka la beegsaday sida Suabaab Sheegeeb waxaana qaraxa ku dhigtay 2 askari oo ilaala u ahaa guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga degmada Kaxda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here