Kenya oo Bilowday in ay Ka Hortagto in DF Ciidamo geyso Gedo+Dhageyso

0

Dowladda Kenya ayaa Bilowday Tilaabooyin ay ku Fashilineyso Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Ciidan Heer qaran ah ay uga Hirgalinayso Deegaano ka tirsan Maamulka Jubbaland ee Xiga Xuduuda labada Dowladdood ee dhanka Gobalka Gedo.

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay wado Abaabul ay Dooneyso inay ku abuurto kala shaki soo kala dhexgala Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Gobalka Gedo si ay uga hortagto Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay Diyaaradaha ugu Daabushay Degmooyinka Luuq,Doollow iyo Baardheere.

Saraakiil Kenyaati ayaa la Xaqiijiyey inay dhaqdhaqayo ka Wadaan Degmooyinka aysan wali gaarin Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Degmooyinka Baladxaawo iyo Ceelwaaq ka dib markii Dowladda Soomaaliya ay Ciidamo geysay qeybo ka tirsan Gobalka Gedo sida Idaacada ay u sheegay Axmed Barre sheikh Cabdulaahi oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gobalkaasi kaasi oo Xusay inay Soo Dhaweynayaan Ciidamada Booliska ah ee Dowladda Soomaaliya ay u qeybisay Degmooyinka uu sameeyey Khilaafka Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa la wali Ciidamo ku sii daabuleysa Gobalka Gedo waxaana Mas’uuliyiin Jubbaland ay Walaac ka muujiyeen Ciidanka oo ay Xusay inay Dowladda Soomaaliya ay ku qalqalgalinayso Maamulkaasi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here