Ciidamadda Dowladda oo Hub Ka Dhis ka Bilaabay Gobalka Galgaduud.

0

 

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa bilaabay inay Hubka dhisgis ay ku sameynayaan Maleeshiyaadka ku sugan Deegaanada ay Saameynta ba’an ay ku yeesheen Dagaal Beeleedyadii ka dhacay Deegaanada Waqooyiga Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Meelaha ay Ciidamadu ka bilaabeen Aruurta Hubka Sharcidarada ah ayaa waxaa ka mid ah Degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud oo Deegaanada Hoosimaada ay ku soo laalaabteen Dagaal beeleeyo qasaaro geystay.

Gudoomiyaha Degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud Jaamac Xayle oo la hadlay Iddaacada Simba ayaa Ciidanka Xooga Dalka iyo Nabad Suggida Soomaaliya ku amaaney Doorka ay ku leeyihiin Sugida Amniga Waqooyiga Gobalka Galgaduud waxaana Xusay inay Guul weyn laga gaaray Aruurinta Hubka Sharcidarada ee halista ku ahaa Amniga Deegaanada Hoosyimaada Degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud.

Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku Howlan sidii nabadgalo waarta looga gaari lahaa Deegaanada Waqooyiga Gobalka Galgaduud ee ay ku soo laalaabatay Dirta udhexeysa Beelaha Walaalaha ah ee wada Daga Gobalkaaasi Galgaduud.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here