Beesha Caalamka oo War Kasoo Saartay Xaaladda Siyaasaddeed ee Maamulka Galmudug

0

Beesha Caalamka ayaa war kasoo saartay xaaladda siyaasaddeed ee maamulka galmudug oo muddooyinkii lasoo dhaafay uu ka taagnaa khilaaf xooggan oo u dhaxeeya saamileeyda siyaasadeed ee deegaanada maamulka galmudug.

Beesha caalamka ayaa ugu yeertay dhinacyada iskuhaya siyaasadda maamulka galmudug iyo arrimaha doorashooyinka in ay xalliyaan khilaafka udhaxeeya iyaga oo wax walba kudhameeynaya wadahadal iyo Isfahan si loo dhameeyo dhismaha maamulka galmudug.

Dhinaca kale beesha caalamka ayaa ugu yeertay hogaanka maamulka galmudug,murashixiinta madaxweynaha maamulka galmudug,hogaanka maamulka Ahlussunna waljamaaca iyo dhammaan danlleeyda siyaasadeed ee deegaanadda maamulka oo ay kamidyihiin xubnaha kumatala baarlamaanka deegaannada maamulka galmudug in ay kaqeybqaataan hanaanka dhismaha maamulka galmudug si loo dhiso maamul loo dhanyahay oo ay yeeshaan shacabka deegaannada maamulka galmudug.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here