Shabaab oo Sheegtay Dilka Nabadoon Shabeelle iyo Sabab Layaab Leh

0

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dil Magaaladda Muqdisho loogu geystay Odey Nabadoon ahaa.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Gubta Degmadda Deyniile ee Gobolka banaadir.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi nabadoon Cabdi Yuusuf Shabeel.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in ay Muqdisho ku dishay Cabdi Yuusuf Shabeel oo la sheegay in uu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka.

“Al-Shabaab ayaa howlgal qorshaysan ku dilay Cabdi Yuusuf Shabeel oo u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka CIA kaalina ku lahaa raafkii ka dhankaa culimadii Mareykanka laga iibsan jiray xiligii dagaal oogeyaasha” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here