Maamulka Puntland ayaa ka hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka, ee ku aadaan arrimaha Imtixaanaadka mideysan.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Pro. Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa ka jawaabay hadalka kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, kaasi oo ahaa in Ardayda Puntland aan la siin doonin Shahaadada heer Federaal, maadaama Puntland aysan ka qeyb-gelin Imtixaanka dowladda Federalka.
Wasiir Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa sheegay in laba heshiis oo Puntland iyo dowladda Federaalku ay wada-galeen sannadihii 2015 iyo 2017, lagu go’aamiyay in Puntland ay u madax-bannaantahay qaadista Imtixaanaadkeeda, islamarkaana xukuumadda Federaalku ay si rasmi ah ugu aqoonsatay Shahaadada Puntland.

