Cabdirisaaq Yuusuf Siicow oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen odey Nabadoon ahaa.

Falkaan dilka ah ayaa ka dhacay Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir,gaar ahaan Xaafadda Gubta.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ay dileen Nabadoon Cabdirisaaq Yuusuf Siicow,xili uu kasoo baxay Masaajid ku yaala Xaafadda Gubta,islamarkaana ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Dhanka kale Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgal sameeyay ayaa ku guuldareystay soo qabashadda ragii ka dambeeyay dilka Nabadoon Ala ha U Naxariistee Cabdirisaaq Yuusuf Siicow.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here