shil gaari oo dhimasho sababay ayaa maanta ka dhacay isgoska aadan cadde ee magaalada muqdisho kaasi oo ay ku dhibteen labo ruux oo shacab ahaa oo la socday gaari halkaasi maray.
shilkaan ayaa dhacay ka dib markii ay isku dhaceen gaari weyn oo ahaa nuuca soomaalidu ay u taqaano caro-gadiye ama iska rogo iyo mooto bajaaj sida idaacada simba ay u sheegaan dadku sugaanaa halka shilku uu ka dhacay.
labo ruux oo dumar ah oo la socday mooto bajaaj ayaa geeryootay ka dib markii mootadu hoosgashey gaariga caro-gadiye ah wadihii mootada ayaa shilkaan ka badbaaday ka dib markii ka booday ama uu ka dagtay mootada ka hor inta gaarigu uusan jiirin qeybta danbe ee mootaday oo ay ku jireen labada qof ee rakaabka ahaa ee shilkaan gaari ku geeryootay.
ciidamada amniga ayaa goobta soo gaaray kuwaasi bilaabay aruurinta macluumaad la xiriira sida uu dhacay shilkaaan gaari ee dhimashada sababay.
shilalka mootooyinka oo qasaaro geeysta ayaa ka dhacay magaalada muqdisho kuwaas oo ay keenaan sababo la xiriira xirafad yari heysata wadayaasha moota bajaajta iyo ciriiri ay sabatay wadooyinka ay xirta dowladda federaalka.

