Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa maanta ku Wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.
Kadib wada-hadal ay Madaxweyne xaaf kula yeesheen Gaalkacyo Gollaha hugaaminta habargidir ee uu gudoomiyo Pro. shirwac ayaa la isla gartay in wafdiga madaxweyne Xaaf wax ka tago magaalada Dhuusamareeb oo halkaa lagu wada-hadlo.
Madaxweyne Xaaf ayaa si weyn ugu horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya,wuxuuna maalmihii dambe soo saarayay warar kasoo horjeeda Dhismaha Galmudug ee Dhuusa-mareeb ka socda.

