Xildhibaan ka Tirsan Maamulka Galmudug eedeyn Kulul usoojeediyay Dowladda Dhexe

0

Iyadoo degaanada maamulka Galmudug ay ka socdaan doorashooyin is bar baryaac ah ayaa maamulka galmudug Garabka Xaaf waxaa ay qorsheynayaan in ay u fariistaan dhisidda maamulka galmudug ee gaar ahaan garabka Xaaf, waxaana loo madalsan yahay in ay doorasho ka dhacdo Kaalkacyo oo howlaha doorshooyinka ay  ka wadaan  Garabka uu hoggamiyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Maxamuud  Sahal oo ka mid ah xildhibaanada Galmudug oo waraysi siiyay idaacadda samba ayaa sheegay in ay doorshada Guddoonka Baarlamaan ay kusoo dooran doonaan laba maalin gudahood, waxaana sidoo kale la dooran doonaa labada maalin ee soo socta guddiga doorashada, waxaa uu sheegay Xildhibaan Maxamed Sahal  In ugu danbeyn Sabtiga soo aaddan ay kusoo dhisayaan guddoonka Baalmaaanka iyo guddiga Baarlamaanka.

Waxaa uu sheegay xildhibaanku in  dowladda federaalka Soomaliya ay waddo fowdo ka dhan ah maamulka Galmudug, waxaana uu sheegay in aysan marnaba u hoggaasami doonin howlaha ay ka waddo dhismaha maamulka Galmudug, waxaa  uu ku eedeyay Dowladda dhexe in khalalaase iyo fowdo ka waddo Galmudug, sidoo kalana ay wadato shaqsiyaad ay dan gaar ah ku wadato kuwaas ay dowladdu ka leedahay dan gaar ah, waxaana intaas uu ku daray in aysan raalli ka ahayn sida ay dowladdu u wajahday dhismaha Galmudug.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in dhuusamareeb ay dowladdu Boob ka waddo, waxaana intaas uu ku daray ay howshooda wadan doonaan tan iyo inta dowladda dhexe ay fara galinta ka waddo dhismaha Galmudug, waxaana Madaxda dowladda dhexe uu ku tilmaamay kuwa u dhaqmaya sida maafiyada oo kale, aysanna u dul qaadan doonin sida ay wax u wadaan.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo Galmudug ay ka taagan tahay xaalad cakiran, waxaana laba garab u kala jabay dhismaha  Galmudug, waxaana dhuusamareeb kasocda maamul ay faragalin ku lee dahay, sidoo akle waxaa Gaalkacyo ka socda maamul kale oo u xaaf hor boodayo

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here