Guddiga Dooorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug ayaa iska dhex doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku-xigeen.
Kadib kulan ay ku yeesheen Magaaladda Dhuusa-mareeb ayay ku doorteen Gudoomiye iyo Gudoomiye ku-xigeen,waxaana kulanka ku sugnaa Guddoonka Baarlamaanka maamulka Galmudug.
Gudoomiyaha Guddiga Dooorashooyinka Madaxweynaha iyo madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug ayaa loo doortay Maxamed Xuseen Tahliil( Calool Geel), sidoo kale Cabdiraxiin Axmed Cigaal ayaa loo doortay gudoomiye ku xigeenka Guddiga.
Guddiga ayaa maalmaha soo socda soo saari doono Jadwalka Doorashadda Madaxweynaha iyo madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug.




